kismaayo: 4-Abriil-2022 Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Avv Maxamed sheikh Cusmaan oo uu wehelinayo Xeer-ilaaliye Axmed Nuur Cabdulaahi ayaa ka gudoomay Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Mudane Mukhtaar Axmed Cabdulle oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Mudane Cali Axmed Naaji iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Rugta ganacsiga jubbaland Deeq ka kooban firaash,Bur,Bariis,sonkor,saliid iyo timir oo loogu talagalay Maxaabiista ku xeran xabsiga dhexe ee degmada kismaayo.Ugu danbeyntii Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Jubbaland ayaa ugu mahadceliyey Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Deeqda maanta ay gaarsiyeen Xabsiga Dhaxe ee Degmada Kismaayo.