kismaayo:06-May-2022 Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Avv Maxamed sheikh Cusmaan ayaa Caawa ka qeybgalay Munaasabad Ay soo Qaban-qaabisay Madasha is dhaxgalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee (Kalsan) Laguna Abaal-marinayay Hal-doorka Bulshada gaar-ahaan Bulshada Magaalada Kismaayo.
Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa ku bogaadiyay Madasha Kalsan Hawlaha wanaagsan ee ay Bulshada ay u hayaan, sidokale Xeer-ilaaliyaha ayaa ugu mahadceliyey Madasha Kalsan Abaal-marinta Qiimaha badan oo ay u Sameysay Haldoorka Bulshada sida Macalimiinta, Bahda Caafimaadka, Samafalayaasha, Wartibiyaasha iyo Dhammaan Dadka waxtarka u leh Bulshada.
(من لم يشكر الناس لا يسكرالله)
# الناس سواسية امام القانون#
#DADKU SHARCIGA HORTIISA WAY USIMAN YIHIIN#
#SAREYNTA SHARCIGA #