Kismaayo 06-Juun-2022 Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowlad gobaleedka jubbaland Mudane Maxamed sheikh Cusmaan ayaa Maanta Ka-qeybgalay Munaasabad loogu soo xirayay Tababar 109 Askari oo katirsan Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Jubbaland kuwaas oo Tababar kuqaadanayay Dugsiga Tababarka Booliiska Jubbaland.
Tababarka waxaa soo-xiray Madaxweyne kuxigeenka 2aad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud sidokale Munaasabadda waxaa goob-joog kahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Jubbaland,wasiirada Wasaaradaha Aminiga,Cadaaladda, Deegaanda, Gudoomiyaha Degmada kismaayo iyo ATMIS Booliis.