Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlada Jubbaland wuxuu wargelinayaa dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya arrimaha tacadiga SGBV inay warbixintooda sanadlaha ah ee 2025 u soo gudbiyaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, muddada u dhaxaysa 05 ilaa 20 April 2026.