Attorney General Office - Jubaland

Shirka Bilaha ah ee Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland.

Shirka Bilaha ah ee Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland.

Published on April 4, 2026
📍 Kismaayo, Jubada Hoose
🗓 04 April, 2026.
Waxaa si habsami leh uga gabagaboobay xarunta dhexe ee Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland shirkii billaha ahaa, kaas oo door muhiim ah ka qaata dardargelinta howlaha shaqo iyo kor u qaadidda waxqabadka Xafiiska.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland, Mudane Avv. Nuuradiin Maxamed Khaliif, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin shirarkan joogtada ah, gaar ahaan xoojinta hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo tayada shaqo ee Xafiiska.
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay guud ahaan howlaha Xafiiska, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray waxqabadkii la soo dhaafay iyo dadaallada lagu horumarinayo shaqada. Sidoo kale, qaar ka mid ah Xeer Ilaaliyeyaasha ayaa soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka shaqada, iyagoo iftiimiyay guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira ee u baahan xal degdeg ah.
Ugu dambeyntii, Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa dardaaran iyo dhiirigelin u jeediyay dhammaan Xeer Ilaaliyeyaasha iyo howl-wadeenada, isagoo ku booriyay in la xoojiyo wada shaqeynta, la laba-jibaaryo dadaalka, isla markaana si hufan oo daacadnimo leh loo gutto waajibaadka shaqo si loo gaaro natiijooyin muuqda oo wax ku ool ah.
📢 Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha – AGO Jubbaland
📧 Email: communication@agojubaland.so(mailto:communication@agojubaland.so)