Attorney General Office - Jubaland

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland oo shir ku saabsan dardargelinta cadaaladda shir guddoomiyay

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland oo shir ku saabsan dardargelinta cadaaladda shir guddoomiyay

Published on April 5, 2026
📍 Kismaayo, Jubada Hoose
🗓 04 April, 2026.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, Mudane Avv Nuuradiin Maxamed Khalif, ayaa maanta shir muhiim ah ku guddoomiyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hannaanka cadaaladda iyo dardargelinta howlaha shaqo ee hay’adaha garsoorka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Racfaanka Gobolka Jubada Hoose, Mudane Nuur Salaad Cabdullaahi, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Kismaayo, Mudane Sheekh Muuse Cusmaan Geedi, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata hirgelinta cadaaladda iyo garsoorka heer gobol iyo degmo.
Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray dardargelinta howlaha shaqo ee xafiisyada, kor u qaadista wada-shaqeynta hay’adaha garsoorka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in adeegyada cadaaladeed ay noqdaan kuwo hufan, degdeg ah, isla markaana la jaanqaadaya baahida bulshada.
Sidoo kale, kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday hababka ugu habboon ee lagu dadajin karo kiisas-ka horyaalla xafiisyada iyo maxkamadaha, si loo yareeyo dib-u-dhaca garsoorka, loona hubiyo in muwaadiniintu helaan cadaalad waqtigeeda ku timaada.
Ugu dambeyn, Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ku boorriyay dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adaha garsoorka inay laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta nidaamka cadaaladda, si loo helo adeeg cadaaladeed oo tayo leh, lagu kalsoonaan karo, una adeegaya bulshada Jubbaland.

📢 Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha – AGO Jubbaland
📧 Email: communication@agojubaland.so(mailto:communication@agojubaland.so)