Attorney General Office - Jubaland

Shirka booliska iyo xeer ilaaliyaha  Guud.

Shirka booliska iyo xeer ilaaliyaha Guud.

Published on April 6, 2026
📍 Kismaayo, Jubada Hoose
🗓 06 April, 2026.

Waxaa maanta si habsami leh uga qabsoomay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland shirkii billaha ahaa ee u dhexeeya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo Hay’adaha Booliiska.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, mudane Avv. Nuuradiin Maxamed Khaliif, waxaana ka soo qeyb galay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) iyo Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Booliiska Degmada Kismaayo.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray is-xog wareysi iyo kala war-qaadasho ku saabsan howlaha shaqo ee la qabtay muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira, iyo sidii loo dardargelin lahaa adeegyada caddaaladeed ee bulshada loo hayo.

Kadib falanqeyn iyo dood dheer, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, mudane Avv. Nuuradiin Maxamed Khaliif, ayaa ku adkeeyay masuuliyiinta ka qeyb gashay kulanka in la laba jibaaro dadaallada lagu horumarinayo sugnaanta caddaaladda, isla markaana si wadajir ah looga shaqeeyo xoojinta iskaashiga hay’adaha garsoorka iyo Booliiska.


📢 Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha – AGO Jubbaland
📧 Email: communication@agojubaland.so(mailto:communication@agojubaland.so)
🌐 Website: www.agojubaland.so (http://www.agojubaland.so)

#Jubbaland #Cadaalad #XuquuqdaAadanaha #XeerIlaaliyahaGuud #Garsoor #Kismaayo #AGOJubaland #Maxaabiista