kismaayo 24-Maarso-2022 Xeer-iaaliyaha Guud Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland H.E Maxamed sheikh Cusmaan ayaa Maanta Ka-qeybgalay Tababar uu Qabtay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Jubbaland lana-siinayay Baarayaal ka socday Waaxda Baarista Dembiyada, gaar-ahaan Baarayaasha Saldhiga Boliiska Ee Degmada kismaayo.Tababarka waxaa lagu-baray Baarayaasha Habka Baarista Dembiyada, Dowrka Xafiiska Xeer-ilaalinta ee hagista Baarista, diyaarinta Warqadda Taarka, xasuus Qorka iyo diyaarinta Gun-gaarka.



