KISMAAYO: 01- Abriil- 2022: Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Avv Maxamed sheikh Cusmaan ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u diray dhamaan umadda islaamka gaar-ahaan shacabka soomaaliyeed.Xeer-ilaaliyaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeyay Xeer-ilaaliyaasha iyo Hawl-Wadeynada ka howlgala Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubbaland .Ugu dambeyn Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa Ugu baaqay in ay is cafiyaan Umadda Somaaliyeed, sido kale ay caawiyaan dadka tabaalaysan, madaamaa la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan.
