Doobley: 3-july-2022 Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowlad gobaleedka jubbaland Avv Maxamed sheikh Cusmaan ayaa Maanta Ka-qeybgalay Shir looga-hadlayay Amniga Degmada Dhoobley uu Shir gudoomiyay Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Sidoo kle Shirka waxaa Ka soo-qeybgalay Dhammaan Taliyaasha Ciidamada Aminiga Degmada Dhoobley Sida Taliyaha Boliiska Degmada, Taliyaha Nabad sugidda , Taliyaha Guutada 11aad Qeebta 43aad ee Ciidanka Xooga Dalka,Gudoomiyaha Degmada Dhoobley, Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha jubbaland iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jubbaland.
Xeer-iaaliyaha Guud ayaa lawadaagay Taliyaasha Ciidamada ilaalinta Badqabka Nafta iyo Hantida Muwaadhiniinta, Sareynta Sharciga.
Ugu-dembeen Madaxweynaha ayaa Udalacsiiyay Derajada labo Xidigle Sarkaalad Miski Maxamed Cali oo katirsan Ciidanka Boliiska Degmada Dhoobley.




