Attorney General's Office – Jubaland State Somalia

Shirka Bilaha ah Ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubbaland iyo Taliyaasha Booliska .

Kismaayo: 27-December-2021 Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland
Avv Maxamed sheikh Cusmaan ayaa Maanta Shir Gudomiyay Shirka Billaha ah ee U dhaxeya Taliyaasha Boliiska Jubbaland iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubbaland
waxaa ka soo-qeybgalay Shirka maanta Taliyaha Qeebta Boliiska gobolka Jubbada Hoose Gaashaale Sare: Sadiiq Maxamuud Dhogor, Taliyaha hoolgelinta Boliiska Kabtan: Cabdi Cukaash Gaabow iyo Taliyaha Waaxda Baarista Dembiyada Kabtan: Comar Xujaale Cabdi.
Shirka Maanta waxaa looga hadlay Qodobo Muhiim ah oo ay kamid yihiin:
1- Kormeeridda Rugaha Boliiska
2- Warqadda dhaawac muujinta
3- in laga fogaado muddo dhaaf ku yimaada horgeynta Eedeysanaha Maxkamadda Awowdda u leh
4- Taarka
5- Dardargalinta Hawlaha Cadaaladeed Ee Bulshada loo hayo
6- Xoojinta Wadashaqeynta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Iyo Boliiska.