Attorney General's Office – Jubaland State Somalia

XEER-IAALIYAHA GUUD EE JUBBALAND AYAA MAANTA SHIR GUDOMIYAY SHIRKA Billaha Ah EE UDHAXEYA BOLIISKA IYO XAFIISKA XEER-IAALINTA.

Kismaayo 21 Abriil-2022 Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Avv Maxamed sheikh ayaa Maanta Shir gudomiyay shirka Billaha ah ee U dhaxeya Taliyaasha Boliiska Jubbaland iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Shirka Waxaa logahadlay Dardargalinta Adeegga Cadaaladeed ee Umadda loo hayo, Shirka Marka uu Soo dhamaaday . Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa Taliyaasha siiyay casharo ku saabsan Waajibaadka iyo Awoodaha Booliiska. Uga dambeyn Xeer ilaaliyaha Guud ayaa kula dardaarmay Taliyaasha Boliiska iyo Waaxda Baarista Dembiyada dhoorista sharciga, ilaalinta xuquuqda iyo xuriyaadka muwaadhiniinta. Sidokale Xeer-ilaaliyaha ayaa Taliyaasha aad ugu adkeeyay in ay Eedeysanayaasha 48saac gudahood lagu horgeeyo Maxkamadda Awowdda u leh iyo marka la soo qabto la tuhunsanayaasha isla markiiba la ogeysiiyo Xafiiska xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Awoodda u leh.